suusucsan Caano wax suusucay ahaansho. ld suusacsan.
suusucsanaan eeg suusucsan. ld suusacsanaan, suusacsanaansho, suusucsanaansho.
suusucsanaansho ld suusucsanaan.
suusucsasho eeg suusucso. ld suusacsasho.
suusucso Caano suusac ka dhigasho. ld suusacso.
suux Nafley miyir beelid.
suuxdimo ld suuxdin.
suuxdin1 1. Miyirbeel lala dhaco. 2. Qallal; sarco. ld suuxdimo, suuxtin. suuxdin2 (daaw.) Isbeddel shaqo maskaxeed oo lagu yaqaan miyir beel iyo qallal soo noqnoqda oo si kedis ah ku bilowda muddo aad u gaaban socota. suuxi 1. Nafley wax miyir beelay ka dhigid. 2. Nafley daawo dareenka ka qaadda ku durid.
suuxid eeg suux.
suuxin eeg suuxi.
suuxsan Nafley wax la suuxiyey ahaansho.
suuxsanaan eeg suuxsan. ld suux-sanaansho.
suuxsanaansho ld suuxsanaan.
suuxtin ld suuxdin.
suwiye Kawaanle.
suxufi ld saxafi.
suxufinnimo Suxufi ahaansho.
suxul Gacanta, meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan docda dibadda xigta oo dhuuban marka gacantu laabantahay. ld xusul.
suxulduub1 1. Orod gaaban oo gacmuhu laaban yihiin oo la ordo. 2. ld suxul-duubid. suxulduub2 1. Iyadoo gacmuhu laaban yihiin ordid. 2. U s.: wax qabashadooda u ordid. ld xusulduub². suxulduubid eeg suxulduub². ld suxuulduub¹ (2), xusulduubid.
suxursaaxur S. ah: qof qaawan oo aan oogadiisa wax dhar ahi saarnayn.
suxuun eeg saxan¹.
suxuur Bisha soonqaad cuntada dadka soomaa cunaan marka waagu soo dhow-yahay; hiraab.
suxuurad ld suxuurasho.
suxuurasho eeg suxuuro. ld suxuu-rad.
suxuuri Cid suxuur siin.
suxuurin eeg suxuuri.
page : 1400 of 1584
<< < 1395 1396 1397 1398 1399 1400 1401 1402 1403 1404 1405 > >>