Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: geedqaad
tagso 1. Gabar guur dartiis ula bixid. 2. Ku t.: wax lunsasho.
tagto (1) Waqti la soo dhaafay.
tagto (2) (nax.) Qaab faleed tilmaama ammin tagay.
tahal Wax isku dayid.
tahan 1. Xoog. 2. Aan waxba lagala harin.
tahantoog (1) 1. Xisaab qaldan. 2. ld tahantoogid.
tahantoog (2) Xisaab qaldid; qiyaas qaldid.
tahantoogid eeg tahantoog². ld tahan-toog¹ (2).
tahar 1. Hilib aan baruur iyo jiir midna lahayn oo adag. 2. Hilib weyd ah.
taharow (daaw.) Soohyada oo adkaada si dadban waxay ka timaaddaa dhaawac buskooday ama raystay.
taharowga halbowlayaasha (daaw.) Qayb xididka gudihiisa ka mid ah oo adkaatay ka dib markay xayri fariisatay, taasu waxay yaraynaysaa wareegga dhiigga waxayna keenta in xididku xirmo.
tahbiib (1) ld tahbiibid.
tahbiib (2) Ku t.: cid wax inay samayso ku qasbid.
tahbiibid eeg tahiib². ld tahbiib¹.
tahdiid U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.
tahlid eeg tahal.
tahliil Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. ld taxliil².
tahliili U t.: cid tahliil u tufid.
tahliilin eeg tahliili. ld taxliilin.
tahluuko Dhibaato weyn.
tahna Waxyarna; inyarna; inna.
tahniyad Hadallo qof wax uu ku farxo helay loo jeediyo; hambalyo.
tajwiid Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
takar Gendi.
takaradhabad ld takaradabasho.
takaradhabasho eeg takaradhabo. ld takaradhabad.
takaradhabo Xoolo seynta, afka iyo galgalasho takar isaga celin.
takfi Qaniin yaryar, dhiig ku nool ah, boodbooda, oo dharka, furaashyada ama darmooyinka lagu seexdo gala; booddo.
takh (1) Badbadka soorta. ld takhid.
takh (2) Soor karaysa badbadid.
<< < 1409 1410 1411 1412 1413 1414 1415 1416 1417 1418 1419 > >>

 

Exit mobile version