Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tiiri  1. Wax meel ku santeecin. 2. Wax xoojin.
tiirid  eeg tiir².
tiirin  eeg tiiri. ld tiiris.
tiiris  ld tiirin.
tiirisboor  Gaadiid.
tiiro  1. (xis.) Xagasha ay xarriiqi la sammeyso dhidibka-x. 2. (xis.) Tiirada xarriiq marta baraha (x,y) iyo x2,y2) waa tiirada (y2-y1)/(x2-x1). 3. (xis.) Tiirada xood halkabar B waa tiirada xarriiqda taabtaha ah ee xoodka halka barta B.
tiiro-qaaradeed  (juqr.) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.
tiirri  1. Xoog aad u badan. 2. Dad aad u xoog badnaa oo Soomaaliya ku noolaa waa hore. 3. Waran tiir xooggan leh iyo samayo gaaban.
tiirsan  1. Wax la tiiriyey ahaansho. 2. Ku t.: cid, cid kale kaalmo ka hesha ahaansho.
tiirsanaan  eeg tiirsan. ld tiirsa-naansho.
tiirsanaansho  ld tiirsanaan.
tiirsasho  eeg tiirso. ld tiirsimaad.
tiirsimaad  ld tiirsasho.
tiirso  1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho.
tiirtaagan  (tiirotaagan, m.l) (jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
tiis  ld tiisa².
tiisa1  (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Nin tiisa haysata tu kale uma daryeelo”. tiisa2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Cali beryahan bartiisa lama arkin”. ld ti, tii³, tiis. tiix1  Roob yar oo dhibco yaryar. tiix2  Roob dhibic-dhibic yaryar u di'id. tiixid  eeg tiix².
tijaabi  ld jitaabi.
tijaabin  ld jitaabin.
tijaabo  ld jitaabo.
tijaabogal  Waxay ku qotantaa ama ku abbaaran tahay fiirsasho iyo tijaabo aan ahayn aragti.
tijaarad  ld tijaaro.
tijaaro  Ganacsi. ld tijaarad.
tikid  ld tigid.
tiknooloojiyada  Shaqo, ama barasho farsamo, ama aqoon cilmiyeed ee hawl gacmeed u gaar ah warshadaha, beeraha, daawada, iyo ganacsiga.
tillaab  ld tallaab.
page : 1438 of 1584
<< < 1433 1434 1435 1436 1437 1438 1439 1440 1441 1442 1443 > >>

 

Exit mobile version