waxgalmo Waxtarmo.
waxgarad 1. Qof garaad ama caqli leh; waxyaqaan. 2. Dad garaad leh.
waxgaradnimo Caaqilnimo; waxgarasho.
waxmatare Qof aan karti iyo waxqabad lahayn.
waxoogaa W. ah: wax tiro ahaan aan badnayn. ld xoogaa.
waxqabad Karti wax lagu fuliyo. ld waxqabasho.
waxqabasho ld waxqabad.
waxsheeg ld waxsheegid.
waxsheegid 1. Hadlid. 2. Hamasho. ld waxsheeg.
waxshi ld waxash.
waxshinnimo ld waxashnimo.
waxsoosaar 1. (dhaq.) Tirada wixii ka soo baxa warshadaha, beeraha, xoolaha, iwm. 2. (dhaq.) Natiijada waxqabad hawleed kasta. ld waxsoosaarid.
waxsoosaarid Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. ld waxsoosaar.
waxtar 1. Qiimaha isticmaal ee wax leeyihiin. 2. Nafaqada raashin laga helo. 3. W. ah: nafley waxqabad leh. 4. ld waxtarid.
waxtarid Waxgalmo. ld waxtar, wax-tarmo.
waxtarmo ld waxgalmo, waxtarid.
waxwadaqabsi Isu kaashiga dad isu kaashadaan in ay hawl wadajir u qabsadaan.
waxwalbaale W. ah: wax jaadad badan leh.
waxyaabo eeg wax.
waxyaalo eeg wax.
waxyaqaan waxgarad.
waxyeel ld waxyeelid.
waxyeelid Dhibaato u geysashada cid dhibaato loo geysto.
waxyeellayn eeg waxyeellee.
waxyeellaysan Wax la waxyeelleeyey ahaansho.
waxyeellaysnaan eeg waxyeellaysan. ld waxyeellaysnaansho.
waxyeellaysnaansho ld waxyeellays-naan.
waxyeellee Cid waxyeello gaarsiin.
waxyeello Dhibaato.
waxyi Farriin uu Alle u soo dhiibo ambiyadiisa.
page : 1502 of 1584
<< < 1497 1498 1499 1500 1501 1502 1503 1504 1505 1506 1507 > >>