xanuunso Qof jirasho.
xaq 1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.
xaq-codbixinta (xuquuq codbixin, m.dh) (qaan.) Xaqa loo dhiibto codka, gaar ahaan marka ay dadku dooranayaan baar-lamaan.
xaqaanni Qof aan dadka u kala eexan oo cid kasta mariya waxa ay mudan tahay.
xaqaggaro ld xagaggaro.
xaqdarro Eex; caddaalad xumo.
xaqdhawr1 Xishood iyo ixtiraam cid loo hayo. xaqdhawr2 Cid ixtiraamid. xaqdhawrid eeg xaqdhawr².
xaqiiji Wax xaqiiq ka dhigid ama xaqiiqdooda u dhabbaggelid.
xaqiijin eeg xaqiiji.
xaqiiq Run; dhab. ld xaqiiqo.
xaqiiqato Nabar ka dhasha is xoqidda shafka iyo jeeniga neef geel ah oo caatir keena. ld xaquuqato.
xaqiiqo ld xaqiiq.
xaqiiqsad ld xaqiiqsasho.
xaqiiqsasho eeg xaqiiqso. ld xaqiiqsad.
xaqiiqso Wax xaqiiq-dooda helid ama raadin.
xaqir1 Xaqa iyo sharafka wax leeyihiin oo aan la marin, loo diido; tixgelis la'aan; dulleyn; quursi; yasid. ld xaqiraad. xaqir2 Cid liidid ama yasid. xaqiraad ld xaqir¹.
xaqiran Wax la xaqiray ahaansho.
xaqirid eeg xaqir².
xaqirnaan eeg xaqiran. ld xaqirnaansho.
xaqirnaansho ld xaqirnaan.
xaqsoor1 Garsoor; caddaalad. xaqsoor2 Si caddaalad ah u garsoorid. xaqsooran Wax la xaqsooray ahaansho.
xaqsoorid eeg xaqsoor².
xaqsoornaan eeg xaqsooran. ld xaqsoor-naansho.
xaqsoornaansho ld xaqsoornaan.
page : 1535 of 1584
<< < 1530 1531 1532 1533 1534 1535 1536 1537 1538 1539 1540 > >>