biyabbax (2) Lab iyo dheddig isu galmooday mino ka imaansho.
biyabbaxo 1. Meesha ay biyaha webiga ka fatahay ku faafaan. 2. Marka ay biyuhu webiga ka fatahmaan.
biyabbeel (1) 1. B. ah: badar la karinayo oo isaga oo aan weli bislaan biyihii ka dhammaadeen. 2. ld biyabbeelid.
biyabbeel (2) Dheri karsamaya biyo ka dhamaasho.
biyabbeelid eeg biyabbeel². ld biyabbeel¹.
biyabbixid eeg biyabbax². ld biyabbax¹.
biyabbiyayn eeg biyabbiyee.
biyabbiyee Cunto cabbid iwm biyo ka badan ku darid.
biyabbiyo ld biyabbiyood.
biyabbiyoobid eeg biyabbiyow². ld biyabbiyow¹.
biyabbiyood B. ah: wax biyo ka badan lagu daray ama biyaha u eg. ld biyabbiyo.
biyabbiyow (1) Ku daridda badar lagu daro biya ka bateen noqosho. ld biyabbiyoobid.
biyabbiyow (2) Wax biyo ka bateen noqosho.
biyabbooli Meel god ah oo biyaha daadku ku shubmaan oo aan buuxsamin.
biyaddiid (1) 1. Neef aan biyaha cabbin marka uu wax qoonsado. 2. ld biyaddiidid.
biyaddiid (2) 1. Biyo cabi waayid wax uu qoonsaday awgeed (neef). 2. Ka b.: maamul sida loo fulinaayo saluugid.
biyaddiidid eeg biyaddiid². ld biyaddiid¹ (2).
biyadhac (1) 1. ld biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iwm ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. ld biyadhicid.
biyadhac (2) Xoolo meel biyo leh ka harqasho.
biyadhaceen Qar sare oo biyaha ka degtaan. ld biyadhac¹ (1).
biyadhicid eeg biyadhac². ld biyadhac¹ (4).
biyadhig (1) Roob da'ay biyaha dhulka korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.
biyadhig (2) Roob da'ay biyo dhul ku dhaafid; roob xareed dhul warid.
biyadhigid eeg biyadhig².
biyafariisad ld biyafariisin.
biyafariisin Dhul godan oo biyo qabatin leh. ld biyafariisad.
biyaggaleen Meel godan oo biyo qabatin leh.
biyajab Meesha biyaha webi, durdur, daad iwm ay ka kalago'aan.
biyajiid 1. Raadka daad ku reebo meel uu maray. 2. B. ah: rati muddo dheer la rarayey oo aan hilibkiisa la cuni karin adayg awgiis.
biyakuhar Balli.
<< < 150 151 152 153 154 155 156 157 158 159 160 > >>