dhulub Koob yar oo aan dheg lahayn; bilaale, murbay.
dhululub (xis.) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
dhululubo Koombo.
dhuluuluc1 Finan yaryar, aan xanuun lahayn oo riyaha dushooda ka soo baxa marka roob badani ku da'o. ld dhuluulux¹. dhuluuluc2 Dhuluuluc yeelasho (riyo). ld dhuluulux². dhuluulucid eeg dhuluuluc². ld dhuluuluxid.
dhuluulux1 ld dhuluuluc¹. dhuluulux2 ld dhuluuluc². dhuluuluxid ld dhuluulucid.
dhulxaar Dhulfiiq.
dhumbad ld yumbasho.
dhumbasho ld yumbasho.
dhumbi ld yumbi.
dhumbin ld yumbin.
dhumbo ld yumbo.
dhumi 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
dhumid eeg dhun.
dhumin eeg dhumi.
dhummay (dhummay, m.dh) Geed-abaareed ay maygaagga isku bahyihiin oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar leh.
dhumuc Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.
dhumuq Laf-dhabarta afkeeda hoose.
dhun Wax baadiyoobay ama hallaabay noqosho.
dhunji Cunaha marin iyadoo caloosha loo riixayo (cunno, cabitaan iwm).
dhunjin eeg dhunji. ld dhunjis, dhunxin, dhunxis.
dhunjis ld dhunjin.
dhunkaal 1. Geed-nugeyl gaaban, cad, oo caleemo balballaaran oo xooluhu jecelyihiin leh, oo xabagtiisu sun tahay. 2. Xabagta dhunkaasha ee sunta ah.
dhunkad ld dhunkasho.
dhunkasho 1. eeg dhunko. 2. Shummis. ld dhunkad.
dhunko Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed.
dhunkuluulux1 Dh. ah: cunto aad loo kariyey oo muudmuudday.
page : 159 of 218
<< < 154 155 156 157 158 159 160 161 162 163 164 > >>