dildil Summad geela lagu dhigo oo ah alif jiif ahaan caloosha loogu jiido.
dildillaac1 Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iwm. dildillaac2 (jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah. dildillaac3 Dhul, dhar, oogo nafley, jeexjeex yeelasho. Tus. “Dhulki baa dildillaacay”. dildillaaca-waaberi Xilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.
dildillaaci Wax dildillaac u yeelid.
dildillaacid eeg dildillaac².
dildillaacin eeg dildillaaci.
dildillaacsan Wax dildillaacay ahaansho.
dildillaacsanaan eeg dildillaacsan. ld dildillaacsanaansho.
dildillaacsanaansho ld dildillaac- sanaan.
dile Kan wax dilay, ama wax dilid badan. ld dilaa.
dili Jaad geedaha ka mid ah oo jiinka webiyada ka baxa.
dilid eeg dil². ld dilniin.
dililiqo ld dilindilqo.
dilindillayn eeg dilindillee. ld dilindillo.
dilindillee Wax duuban ama kankoonsan sida birmiil iwm garaangarin.
dilindillo Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. ld dilindillayn.
dilindilqo Geed geedquwaaxyada ka mid ah oo dhulka caddun kaah ka baxa oo kor u bixin ee dhulka ku dhabbacan. ld dililiqo.
diliq1 Hanjaleelo. diliq2 Ilmo yar oo dad hanjaleelo daadin. dillaac1 Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay. dillaac2 1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iwm bilaabasho. 3. Wax beryid. dillaaci Wax dillaac u yeelid.
dillaacid eeg dillaac².
dillaacin eeg dillaaci.
dillaacsad ld dillaacsasho.
dillaacsan Wax dillaac leh ahaansho.
dillaacsanaan eeg dillaacsan. ld dillaacsanaansho.
dillaacsanaansho ld dillaacsanaan.
page : 180 of 218
<< < 175 176 177 178 179 180 181 182 183 184 185 > >>