jaamacad Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
jaamayn eeg jaamee.
jaamee 1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.
jaamici Qof ay u dhammaatay waxbarasho jaamacadeed.
jaamojoog (c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
jaamuus 1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.
jaan Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
jaan1 1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa. jaan2 1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo. jaandheer Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
jaangeri Kabaha laga sameeyo maqaarka geriga.
jaango'an Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
jaango'naan ld jaango'naansho.
jaango'naansho eeg jaangoo. ld jaango'naan.
jaangoo 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
jaangooyo 1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.
jaangoyn eeg jaangoo. ld jaangooyo (2).
jaanguur Wax dabar go'id.
jaanguuri Wax dabar goyn.
jaanguurid eeg jaanguur.
jaanguurin eeg jaanguuri. ld jaanguuris.
jaanguuris ld jaanguurin.
jaanqaad1 1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid. jaanqaad2 1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho. jaanqaadid eeg jaanqaad². ld jaanqaad¹ (3).
jaanrog Cararid.
jaanrogid eeg jaanrog.
jaansaar1 Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub. jaansaar2 Kabo duugoobay sar cusub saarid. jaansaaran Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.
page : 3 of 53
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>