jeeg 1. ld joog 1 (3). Weel bir ama macdan ka samaysan oo dabool leh oo caanaha iwm lagu shubto. 2. Xaashi si gaar ah loo habeeyey oo cid la siiyo si uu banki lacag uga qaato.
jeegaan1 Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad. jeegaan2 (fiis.) Filiq-sanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kala-xaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam. jeegaan-barasho (fiis.) Daraasad ku saabsan habka loo baaro ilayska (spectrum).
jeegaan-birlabdanabeed (fiis.) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
jeegaanbeeg-cuf (fiis.) Qalab loo isticmaalo soo saaridda iyo saafidda ayoonno neef ah iyadoo la fiirinayo saamiga ay isuyihiin saldanabka ayoonnada iyo cufkoodu.
jeegaxiir1 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan. jeegaxiir2 Timaxiirid; timajarid. jeegayn eeg jeegee.
jeegee 1. Dhabar-dhabar u dabbaalasho. 2. Caano jiif ku cabbid.
jeego Madaxa dadka xaggiisa dambe; qadaad.
jeekam (daaw.) Qayb xidmeed oo ku yaal meesha ay iskaga dhegsanyihiin xiidmaha yar yar iyo xiidmaha waaweyn. Afka sare wuxuu ka mid yahay kolonka, afka hoosana waxa ku yaal qabsinka.
jeel1 1. Wixii dhab loo jecelyahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda, iwm, u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo. 2. Dareen rabitaan oo ku abuurma xoolaha marka ay waayaan dhanaan. 3. (-lal, m.dh) Meesha dadka dembiga gala lagu xiro; xabsi. jeel2 1. U j.: wax u jeel qabid; wax xiisayn. 2. U j.: xoolo si aad ah dhanaan u rabid. jeelag1 Eryashada wax la eryado. jeelag2 Cid eryasho. jeelagasho eeg jeelago.
jeelagid eeg jeelag².
jeelago Cid eryasho.
jeelbax1 1. Wax jeelka bi'iya. 2. J. ah: xoolo dhanaan ku filan cunay. 3. ld jeelbixid. jeelbax2 1. Jeelgooyn; xiisadhicid. 2. Xoolo dha-naan ku filan helid. jeelbixi 1. Jeel ka bi'in. 2. Xoolo dhanaan ku filan siin.
jeelbixid eeg jeelbax². ld jeelbax¹ (3).
jeelbixin eeg jeelbixi.
jeelgoo Xiisag-goyn; jeelbixid.
jeelgoyn eeg jeelgoo.
jeelid jeel².
jeellan 1. U j.: jeel hayo; jeel qabo. 2. Xoolo wax jeel hayo ahaan-sho.
jeellanaan eeg jeellan. ld jeella-naansho.
jeellanaansho ld jeellanaan.
page : 24 of 53
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>