farqi1 Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. ld faraq. farqi2 Wax faraq u yeelid. farqin eeg farqi². ld farqis.
farqis ld farqin.
farraar Labada ganood ee ul, hangool, iwm hal cirif ku leeyahay midkood. ld faraar.
farraarre Meereeyeyaasha u dhexeeya dhulka iyo cirjeexda midkood; Mariikh.
farriin Hadal aan qorrayn oo qof loo dhiibo si uu u gaarsiiyo qof kale; adeeg.
farriiq1 1. Butaaco, firdhad, finnin. 2. Tarriiq, dillaac. farriiq2 1. (f.g) Dareere yar meel ka soo dhiijin. 2. (f.mg) Dareere yar meel ka soo dhiiqid. farriiqid eeg farriiq².
farriiqo ld farriiq¹ (1).
farsamabarad Qof xirfad baranaya.
farsamadhaari F. ah: qof farsamo aad u yaqaan.
farsamaxumaan eeg farsamaxun. ld farsamaxumaansho, farsamaxumi, farsamaxumo.
farsamaxumaansho ld farsama- xumaan.
farsamaxumi ld farsamaxumaan.
farsamaxumo ld farsamaxumaan.
farsamaxun Wax farsamo gacanta lagu sameeyo iin lahaansho.
farsamayaqaan Qof farsamo gaar ah oo gacanta laga qabto aqoon u leh.
farsamayaqaannimo Farsamayaqaan ahaansho.
farsamayn eeg farsamee.
farsamaysan Wax la farsameeyey ahaansho.
farsamaysnaan eeg farsamaysan. ld farsamaysnaansho.
farsamaysnaansho ld farsamaysnaan.
farsamee Hawl tab iyo aqoon u baahan qabasho.
farsamo Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.
farshaxan 1. Fanka qoridda, aslidda, soohidda, falkinta iwm. 2. Qof fanka qoridda, aslidda iwm aad u yaqaan.
farshaxannimo Farshaxan ahaansho.
farshiid Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iwm lagu cabbiro.
farsho Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. ld firsho (1).
page : 32 of 73
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>