Ereyga Maanta: sawrac
delidhac (1) 1. Jar ka dhac. 2. ld delidhacid.
delidhac (2) Ka dhicid meel deli ah.
delidhicid eeg delidhac². ld delidhac¹ (2).
delleg Qof dhaandhaan ka dhigid.
dellegan Wax la dellegay ahaansho.
dellegid eeg delleg.
dellegnaan eeg dellegan. ld dellegnaansho.
dellegnaansho ld dellegnaan.
delo (bot.) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
delta (juqr.) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed.
deltooyd Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.
dembaab (1) Dembi. ld dambaab¹, denbaab¹.
dembaab (2) Dambi falid. ld dambaab², denbaab².
dembaabi Qof dembi gelin. ld dambaabi, dambaabsii, dambaaji, dembaabsii
dembaabid eeg dembaab². ld dambaabid, denbaabid.
dembaabin eeg dembaabi. ld dambaabin, dambaabis, dambaabsiin, dambaajin, demb
dembaabsii ld dembaabi.
dembaabsiin ld dembaabin.
dembaaji ld dembaabi.
dembaajin ld dembaabin.
dembi 1. Wax kasta oo la sameeyo oo diinta khilaafsan. 2. Wax kasta oo dhaqan ama qaanuun ku xadgudbaaya. ld dambi.
dembidhaaf (1) Cafinta uu Ilaah cafiyo qof dembi galay. ld dembidhaafid.
dembidhaaf (2) U d.: qof dembi ka cafiyid (Ilaah).
dembidhaafid eeg dembidhaaf². ld dambidhaaf¹, dambidhaafid, dembi- dhaaf¹.
dembiilannimo Dembille ahaansho. ld dambilannimo.
dembiile Qof dambi falay. ld dambiile.
dembitir (1) Baabi'inta raadka dembi la galay. ld dembitirid.
dembitir (2) Dembi raadkiisa baabi'in. ld dambitir².
dembitirid eeg dembitir². ld dambitir¹, dambitirid, dembitirid.
dementiya (daaw.) Xaalad cudur oo joogto ah ama muddo dheer socota oo ay maskaxda gabto hawsheeda. Astaamo: xasuus xumo, isbeddel shakhsiyaded, fakar xumo iyo habow, istix geli la'aan.
<< < 343 344 345 346 347 348 349 350 351 352 353 > >>