Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
dhabaqtirnaan eeg dhabaqtiran. ld dhabaqtirnaansho.
dhabaqtirnaansho ld dhabaqtirnaan.
dhabar Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
dhabar-adag Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho.
dhabar-adayg Adkaysi loo yeesho hawl. ld dhabar-adkaan.
dhabar-adkaan eeg dhabaradag. ld dhabar-adayg, dhabar-adkaansho.
dhabar-adkaansho ld dhabar-adkaan.
dhabar-daaco Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.
dhabar-garaac (1) Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. ld duud-garaac¹.
dhabar-garaac (2) Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaac².
dhabar-garaacasho eeg dhabar-garaaco. ld duud-garaacasho.
dhabar-garaacid eeg dhabar-garaac². ld duud-garaacid.
dhabar-garaaco Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaaco.
dhabarjab (1) 1. Dh. ah: hawl culus oo lagu daalo. 2. Dh. ah: arrin aan lagu guulaysan. 3. ld dhabarjabid.
dhabarjab (2) Ku dh.: hawl culus ku daalid.
dhabarjabid eeg dhabarjab². ld dhabarjab¹ (3).
dhabarjebi 1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm).
dhabarjebin (1) Heerka bislaanshaha miraha ee gahayrnimada ka dambeeya.
dhabarjebin (2) eeg dhabarjebi. ld dhabarjebis.
dhabarjebis ld dhabarjebin².
dhabarjebshe Cudur xanuun leh oo ku dhaca dhabarka nafleyda.
dhabarjeedi 1. Cararid. 2. Cid wax u diidid.
dhabarjeedin eeg dhabarjeedi. ld dhabarjeedis.
dhabarjeedis ld dhabarjeedin.
dhabarxanuun Xanuun dhabarka ku dhaca.
dhabas (1) Koore duug ah.
dhabas (2) Wadaan aad u dhammaatay.
dhabasho eeg dhabo. ld dhabad.
dhabataysad ld dhabataysasho.
dhabataysasho eeg dhabatayso. ld dhabataysad, dhabataysi.
<< < 354 355 356 357 358 359 360 361 362 363 364 > >>