dhaji 1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).
dhaji (1) Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji.
dhajin eeg dhaji. ld dhajis (3), dhejin, dhejis.
dhajis 1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.
dhajisgoyn Daaweynta cudurka dhejiska.
dhakaac Qayb lafdhabarta ah.
dhakaaci Qosol ka dh.: aad u qoslid.
dhakaacin eeg dhakaaci.
dhakaar 1. Madaxa. 2. Dhafoor.
dhakaaryayn eeg dhakaaryee.
dhakaaryee Cid dhakaarka ka garaacid.
dhakaaryo Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
dhakab Dh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh.
dhakad ld dhakasho.
dhakafaar (1) 1. Yaab aad u weyn. 2. ld dhakafaarid.
dhakafaar (2) Ku dh.: yaab weyn la kulmid. ld dheg-kafaar², dhekafaar².
dhakafaari Cid, dhakafaar badid. ld dheg-kafaari, dhekafaari.
dhakafaarid eeg dhakafaar². ld dhakafaar¹ (2), dhakafaaris², dheg-kafaar¹.
dhakafaarin eeg dhakafaari. ld dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin, dhekafa.
dhakafaaris (1) ld dhakafaarin.
dhakafaaris (2) ld dhakafaarid.
dhakafaarsan Wax dhakafaaray ahaansho. ld dheg-kafaarsan, dhekafaarsan.
dhakafaarsanaan eeg dhakafaarsan. ld dhakafaarsanaansho, dheg-kafaarsanaan, dheg-kafaa.
dhakafaarsanaansho ld dhakafaar- sanaan.
dhakal Haruub aad u yar.
dhakan 1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho.
dhakanaan eeg dhakan. ld dhakanaansho.
dhakanaansho ld dhakanaan.
dhakasho 1. Dhuumashow. 2. ld dhakad. eeg dhako.
dhakaw Tigin; dhidib; udub.
<< < 364 365 366 367 368 369 370 371 372 373 374 > >>