dhano 1. Biyo aad u dhanaan. 2. Dhul cusboole ah. ld dhane.
dhanqalac (1) ld dhanqalan¹.
dhanqalac (2) ld dhanqalan².
dhanqalan (1) 1. Harraad aad u badan oo qofku hadalka kari waayo. 2. D. ah: qof harraad aad u badani hayo. ld dhankalax¹, dhanqalac¹.
dhanqalan (2) Wax harraad aad u badani hayo noqosho (qof). ld dhankalax², dhanqalac².
dhanqalan (3) Wax harraad aad u badani hayo ahaansho.
dhanqalcid ld dhanqalmid.
dhanqalmid eeg dhanqalan². ld dhankalmid, dhanqalcid.
dhanqalnaan eeg dhanqalan³. ld dhanqalnaansho.
dhanqalnaansho ld dhanqalnaan.
dhansii Caano cid cabsiin.
dhansiig (1) ld dhasiig¹.
dhansiig (2) ld dhasiig².
dhansiigid ld dhasiigid.
dhansiin eeg dhansii.
dhantaal Cid wax ka maarmiddoodu dhib ku tahay ka reebid.
dhantaalan (1) Wax la dhantaalay noqosho.
dhantaalan (2) Wax la dhantaalay ahaansho.
dhantaalid eeg dhantaal².
dhantaalmid eeg dhantaalan¹.
dhantaalnaan eeg dhantaalan². ld dhantaalnaansho.
dhantaalnaansho ld dhantaalnaan.
dhanxalag ld dhabxanag.
dhanxanag ld dhabxanag.
dhanxarag ld dhabxanag.
dhanyo Sharaab.
dhaq 1. Wax biyo ku nadiifin. 2. Si wanaagaan wax u maamulid. 3. Wax meel fog geyn.
dhaqaaji 1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.
dhaqaajin eeg dhaqaaji.
dhaqaajis ld dhaqaajin.
<< < 375 376 377 378 379 380 381 382 383 384 385 > >>