istareexid eeg istareex².
istareexsan Wax istareex ku jiro ahaansho.
istareexsanaan eeg istareexsan. ld istareexsanaansho.
istareexsanaansho ld istareex-sanaan.
istebis (juqr.) Dhul-cawsaadka loolka dhexe, oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta yurub ee midowga soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Sayberiya.
isteeg Xirmo ka kooban toban baakad oo sigaar ah.
isteerin Bir wareegsan oo dareewilku gacanta ku qabsado oo hadba baabuurka meesha uu doono ugu duwo.
ister (kiim.) Nooc iskudhis orgaanig ah oo ku samaysma falgal dhexmara asiidh iyo alkohool.
isticmaal1 Adeegsiga shey loo adeegsado waxa lagu qaban karo. isticmaal2 Wax adeegsasho. isticmaalid eeg isticmaal².
isticmaar (siyaa.) Hab waddan quwad lehi uu ku xukumo waddan kale aan awood lahayn, isaga oo isticmaalaya kheyraadkiisa, si uu u kordhiyo awooddiisa.
isticmaarsad ld isticmaarsasho.
isticmaarsasho eeg isticmaarso. ld isticmaarsad, isticmaarsi.
isticmaarsi ld isticmaarsasho.
isticmaarso 1. Xukun qasab ah ummad kula kicid iyadoo xaqooda la duudsinayo. 2. Cid addoon-sasho.
istiibiyam (kiim.) Summad: sb. Bir wiriqle ah midabkeeduna yahay caddaan qalin ah kana tirsan ururka V ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Waxa loo helaa curiye ahaan, ogsaydh ahaan ama salfaydh ahaan (istibnayt, Sb2S3). Culays-atam: 121.75; tiro-atam: 51.
istiil1 Karti iyo dadaal dheeraad ah oo lagu fuliyo hawl qabashadeedu dhib tahay. istiil2 Hawl qabashadeedu dhib tahay karti iyo dadaal dheeraad ah ku fulin. istiilid eeg istiil².
istijo 1. Biyo yar oo lagu darbado. 2. Nadiifinta la nadiifiyo xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaado.
istijoo Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
istijood eeg istijoo.
istikhaaro Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.
istikhyaar ld ikhtiyaar.
istiqaalad ld istiqaalo.
istiqaalo Qoraal lagu codsanayo xil ka degid. ld istiqaalad.
istiqfaar Dalbashada Ilaah laga dalbado dembi dhaaf.
istiqfaarasho eeg istiqfaaro.
istiqfaaro Istiqfaar samayn.
page : 39 of 43
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 >