Ereyga Maanta: darfooley
dhegtaagid eeg dhegtaag.
dhegweyn 1. Geed weyn oo wacanriga u eg oo leh caleemo balballaaran iyo miro la cuno. 2. Dh. ah: qof aan si dhakhsa ah wax u fahmin. 3. Dh. ah: nooc ariga ka mid ah oo dhego balballaaran.
dhegxumaan eeg dhegxun. ld dhegxumaansho, dhegxumi, dhegxumo.
dhegxumaansho ld dhegxumaan.
dhegxumi 1. Sumcad aan wanaagsaneyn oo cidi yeelato. 2. Ceeb. ld dhegxumaan.
dhegxumo ld dhegxumaan.
dhegxun Cid aan sumcad lahayn ahaansho.
dhegyar (1) Nooc fallaarta dhegta leh ka mid ah oo yar.
dhegyar (2) (c.nafl.) Qaybta wadnaha oo ku soo shubma dhiigga ogsijiinka leh ee ka immaanaya wadnaha inta aan loo gudbin jirka intiisa kale.
dheh (yiri, tiri/dhahay, dhahday; dhihi) Wax ku tiraabid; sheegid.
dheji 1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. ld dhaji.
dhejin eeg dheji. ld dhajin, dhajis, dhejis.
dhejis ld dhejin.
dhekafaar (1) ld dhakafaar¹.
dhekafaar (2) ld dhakafaar².
dhekafaari ld dhakafaari.
dhekafaarid ld dhakafaarid.
dhekafaarin ld dhakafaarin.
dhekafaaris (1) ld dhekafaarin¹.
dhekafaaris (2) ld dhakafaarid.
dhekafaarsan ld dhakafaarsan.
dhekafaarsanaan ld dhakafaarsanaan.
dhekafaarsanaansho ld dhakafaar- sanaan.
dhellah ld dhannax.
dhengad ld dhenged.
dhenged Ul yar oo dhuuban oo badanaa carruurta iyo xoolaha lagu tumo. ld dhengad.
dhengedee Cid dhengad ku tumid.
dhengedeyn eeg dhengedee.
dhengedeysan Wax la dhengedeeyey ahaansho.
dhengedeysnaan eeg dhengedeysan. ld dhengedeysnaansho.
<< < 399 400 401 402 403 404 405 406 407 408 409 > >>