Ereyga Maanta: ismaandhaaf
luufluufi 1. Wax dildillaacin. 2. Wax baabi'in.
luufluufideeg luufluuf².
luufluufineeg luufluufi. ld luufluufis.
luufluufisld luufluufin.
luufluufsan Wax luufluuf hayo ahaansho.
luufluufsanaaneeg luufluufsan. ld luufluufsanaansho.
luufluufsanaanshold luufluufsanaan.
luufood(bot.) Geed ka mid ah geedaha beeyada dhala.
luul Carrab calalinta ay carruurtu carrabka calaliso.
luul1Iniino kulkulucsan, sida dhagaxa u adag oo cad ama midab kale leh aadna qaali u ah, kuna dhex jira laba qalbac oo dhulman ah oo laga helo badda gudaheeda.
luuli1L. ah: qurux, xarrago.
luuli2 Xarig giijin.
luulideeg luul.
luulineeg luuli².
luuliyoSanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.
luuman (fiis.) (halbeeg) Summad: Lm. Halbeegga caalamiga ee burqad iftiimeedka, loona qeexo burqadka iftiinka ee ka soo kaaha bar iftiin oo itaalkeedu yahay hal kandeela (cd), una baahaya hab toobineed leh xagal adke oo ah hal istaraadiyan. Sidaas awgeed, 1 lm = (1/4Ò)cd.
luumbiCiyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. ld nuumbi.
luun1 1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.
luun2Tib xoog leh oo sabuulka meseggada lagu shukulo.
luunqabadld dhuunqabad.
luuq1 Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan.
luuq2 1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.
luuq3(nax.) Weer qaybaheeda kala leh luuq kala duwan.
luuqad Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. ld luqad, luqo, luuqo.
luuqayneeg luuqee. ld luuqays, luuqin.
luuqaysld luuqayn.
luuqee Ku l.: hees ama gabay iwm cod macaan ku qaadid.
luuqi ld luuqee.
luuqinld luuqayn.
luuqold luuqad.
<< < 40 41 42 43 44 45 46 > >>