doorsoome-madaxbannaan (xis.) Isleeqta y = f(x), doorsoomaha la geshaha ah ee x.
doorsoomid eeg doorsoon². ld doorsoon¹; doorsamid.
doorsoon (1) ld Doorsamid; doorsoomid.
doorsoon (2) 1. Qurmid. 2. ld doorsan¹.
doorsoon (3) Wax sidii hore ka duwan ahaansho; wax beddelan ahaansho.
doorsoonaan eeg doorsoon³. ld doorsoonaansho.
doorsoonaansho ld doorsoonaan.
doorte Qof cid doorasha u taagan codkiisa siiya.
doosh 1. Markab ama doon u socota dhanka ay dabayshu ka hayso. 2. D.kii hore: waqti hore oo la soo dhaafay; kal.
dooshi Xarig isu haya farmaanka doocdiisa bixid iyo doonta.
doox (1) 1. Saxaro jilicsan oo ay nafleydu dhigaan marka ay cunaan ama cabaan waxyaabo caloosha kiciya; shuban. 2. (-xyo, m.dh) Dhul godan oo biyo mareen ah; tog. 3. ld dooxid.
doox (2) Wax af leh calool nafley ku dhufasho si uur-kujirtu uga soo dhacdo.
dooxada rift (juqr.) Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).
dooxan (1) 1. Wax caloosha laga soo riday noqosho. 2. Nafley aad u shubmid.
dooxan (2) Wax caloosha laga soo riday ahaansho.
dooxane Nooc warmaha ka mid ah oo dhexda aroor ku leh.
dooxato Koox burcad ah oo waxa ay arkaan dhaca ama dila.
dooxid eeg doox². ld doox¹ (3).
dooxmid eeg dooxan¹.
dooxnaan eeg dooxan². ld doox- naansho.
dooxnaansho ld dooxnaan.
dooxo (1) Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeya ka xigan.
dooxo (2) (juqr.) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah.
dooxo-daldalan (juqr.) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
dooy Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
dooyee Fardo ku ilaala tegid.
dooyeyn eeg dooyee. ld dooyeys.
dooyeys ld dooyeyn.
dooyo 1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
doqon (1) Nin aan caqli iyo garaad badan lahayn; dabbaal.
<< < 465 466 467 468 469 470 471 472 473 474 475 > >>