Ereyga Maanta: kelmi
faarofaare Ceel roobku biyeeyo, marka xareeddu dhammaatana la qodo oo maaxda.
faaroobid eeg faarow.
faarow Caano, dawo iwm faar yeelasho.
faarsad ld faarsasho.
faarsan Wax la faariyey ahaansho (caano).
faarsanaan eeg faarsan. ld faarsa- naansho.
faarsanaansho ld faarsanaan.
faarsasho eeg faarso. ld faarsad, faarsi.
faarsi (1) ld faarsasho.
faarsi (2) Noocyada kallunka ka mid ah. ld faardi.
faarso 1. Caano faar u yeelasho. 2. Caano faar ka gurasho.
faarugsasho ld faarumaysasho.
faarugsi ld faarumaysasho.
faarugso ld faaru- mayso.
faarumayn eeg faarumee.
faarumaysad ld faarumaysasho.
faarumaysasho eeg faarumayso. ld faarugsasho, faarugsi, faarumaysad, faarumaysasho.
faarumaysi ld faarumaysasho.
faarumayso 1. Hal la lisayo lugaha dambe kala bixin. 2. Qof meel dheer iska tusid iyadoo aan loo baaqin. ld faarugso.
faarumee U f.: hal la maalayo haaneedin. Tus. “Hashii baa Cali faarumeeyey”.
faaruq (1) F. ah: weel aan wax ku jirin ama meel aan wax oollin.
faaruq (2) Wax maran, wixii ku jiray laga saaray.
faaruqi 1. Weel wax ku jira ka marin. 2. Meel wax yaalliin ka marin.
faaruqid eeg faaruq².
faaruqin eeg faaruqi. ld faaruqis.
faaruqis ld faaruqin.
faaruqnimo Faaruq ahaansho.
faas (1) Qalab bir ah oo godinta u eg oo loo isticmaalo geeda gooynta. ld faash¹.
faas (2) Faas wax ku goyn. ld faash².
faash (1) ld faas¹.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>