Ereyga Maanta: iimee
xabadLaab; gaaddo; shaf.
xabag1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
xabagbarsheld xabag-barsho.
xabagbarshild xabagbarsho.
xabagbarshoMalabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.
xabagdhiigNooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.
xabashAddoon; bidde.
xabashi(xabashi, m.dh) Nin dhalashadiisu amxaaro tahay.
xabawarXoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.
xabawariXoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.
xabawarineeg xabawari. ld xabawaris.
xabawarisld xabawarin.
xabbaar1Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay.
xabbaar2Xoolo la soo dhacay qaybin.
xabbaarideeg xabbaar².
xabbad1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
xabbadayneeg xabbadee.
xabbadee1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid.
xabbadqaad1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
xabbajiNaasley dheddig oo dhalaysa xab bururin.
xabbajineeg xabbaji. ld xabbajis.
xabbajisld xabbajin.
xabbis1Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi.
xabbis2Qof xabsi gelin.
xabbisanWax xabsi la geliyey ahaansho.
xabbisideeg xabbis².
xabbisnaaneeg xabbisan. ld xabbis-naansho.
xabbisnaanshold xabbisnaan.
xabbururild xabbaji.
xabbururinld xabbajin, xabbururis.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>