Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
filnaysiin eeg filnaysii.
filnow Ku f.: wax, wax kale baahi tiri kara noqosho.
filo Wax malaysasho.
filoojani (baay.) Taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
filqad ld filqasho.
filqasho eeg filqo. ld filqad.
filqid eeg filiq.
filqo Wax wax hayay ama la hayay ama wax ku mudnaa ama ku tiirsanaa, xoog sidbasho ku jirto u boodid, u bixid, u siibasho.
filsamaan eeg filsan. ld filsa-maansho, filsami.
filsamaansho ld filsamaan.
filsami ld filsamaan.
filsan Wax muuqaal qurxoon leh ahaansho.
filweyn Wax da'weyn ahaansho.
filweynaan eeg filweyn. ld filweynaansho, filweyni.
filweynaansho ld filweynaan.
filweyni ld filweynaan.
fin (1) Nabar oogada nafleyda ka soo baxa oo mid xun iyo mid sanba leh; kasoobbax; dhullax.
fin (2) (daaw.) Nabarro yaryar oo ka soo baxa maqaarka intiisa sare. Sida badan waxa lagu arkaa jadeecada.
findhicil 1. Geed quwaax dhuux adag oo leh laamo gaagaaban, qodxo dhaadheer, caleemo yaryar iyo asal. 2. Cunto la cunayo wax yar oo kaga hara ilkaha dhexdooda. 3. (-illo, m.dh) Qori yar oo cuntada ilkaha dhexdooda ku harta looga saaro.
findhicilasho eeg findhicilo.
findhicilo Findhicil ilko ka baxsasho.
findhir ld fandhar.
findhiri ld fandhar.
findhirid ld fandharid.
findhirin ld fandharid.
findhiris ld fandharid.
findoob (1) Fin yaryar oo aan cudur ahayn oo dadka dhallinta yar wejigooda ka soo yaaca.
findoob (2) (daaw.) Fin yar oo malax afka ku wata oo maqaarka ka soo baxa waxay noqon kartaa infekshin baktiiriyaad ee daloollada maqaarka oo xirmay iyo dufan ay soo daayeen qanjirrada xayrta ee maqaarka ku yaal.
finiin (1) 1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. ld faniin¹.
finiin (2) 1. Wax ordaya xoog uga dhicid. Tus. “Baabuurkii ayuu xoog uga finiinay”. 2. Wax meeshii ay joogeen ama ku dhegganaayeen xoog uga soo go'id ama uga soo ganmid. Tus. “Dhagax baa soo finiinay”. 3. Xoolo gaar u cararid. Tus. “Faras baa naga finiinay”. ld faniin².
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>