laayacnaanshold laayacnaan.
laayicideeg laayac². ld layicid.
lab11. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas.
lab21. Wax isku qasid. 2. Wax jaah-wareerin.
lab3Wax adag ahaansho.
labald labo¹.
laba jibbaaraneAfar geesle leh afar dhinac oo toosan oo isle'eg iyo afar xaglood oo qumman. Bedka labajibbaarane waxa lagu helaa labajibbaarka dhinac ka mid ah dhinacyadiisa.
laba'aabbur11. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburo. 2. Horay iyo gadaal uga imaashaha col si dhexda loo gashado oo loo laayo. 3. ld laba'aabburid.
laba'aabbur21. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburid. 2. Col si loo laayo horay iyo gadaal uga imaansho.
laba'aabburanWax la laba'aabburay ahaansho.
laba'aabburideeg laba'aabbur². ld laba'aabbur¹ (3).
laba'aabburnaaneeg laba'aabburan. ld laba'aabburnaansho.
laba'aabburnaanshold laba'aabburnaan.
laba-atamle(kiim.) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.
laba-danab(fiis.) Ma-gudbiyaha dhextaalka u ah madhxiyaha, ee marka badad danab la dhex dhigo, dhaliya barabaxa danabka ee aan oggolaanin qulqulka danabka.
laba-duubMagaca loogu yeero ugaarta inta geesaha leh, (labaduub, saddex-duub...) iyadoo laga soo qaaday wareegga geesaha, halkii wareegba (duub) hal gu'.
laba-eefle(kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
laba-iyo-tobanle(c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.
laba-madaxle(c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
laba-nafleld Go'adag; naf-adag.
laba-qotinleQalab danab oo leh laba qotin, loona isticmaalo badanaaba qumiye danab.
laba-sakaraydh(kiim.) Sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed). eeg sonkor.
labaadTirada jagaalaha ah, kan u dhigma labada; darajada ay hal darajo ka sarrayso.
labaaleWarqad turub oo dhexda laba dhibcaad ku leh.
labaaneeg lab³. ld labaansho.
labaanshold labaan.
labaatamaadld labaatanaad².
labaatameeyeld labaataneeye.
labaatameeyold labaataneeye.
labaatanTiro ka kooban laba meelood oo min toban ah; laba tobnaad; “20”.
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>