Ereyga Maanta: qoto-ekeeye
hankool ld hangool.
hanna Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.
hannaad ld hanna.
hannaan 1. Wax si wanaagsan u agaasiman. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin.
hannaani Wax hannaan wanaagsan u yeelid.
hannaanin eeg hannaani.
hannas Kulayl badan.
hano (1) 1. Finan madaxa ka soo baxa oo timaha hoolhoola. 2. Booli; xaaraan.
hano (2) 1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
hanqaaran (1) 1. Luggooyo. 2. ld han-qaarmid.
hanqaaran (2) Qof hankaagsan noqosho. ld hanqaran².
hanqaare 1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.
hanqaarmid eeg hanqaaran². ld hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.
hanqabtirid eeg haqabtir². ld haqabtir¹.
hanqaji Qof u caga-jugleyn.
hanqajin eeg hanqaji. ld hanqajis.
hanqajis ld hanqajin.
hanqal Qaarka sare ee dadka inta madaxa iyo caloosha u dhexeysa. ld hangal¹.
hanqalaal Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.
hanqalooc (1) 1. Qaadidda qaarka sare kor loo qaado, iyadoo caloosha gadaal loo riixayo, meel hoosana la eegayo. 2. ld hanqalooqsasho.
hanqalooc (2) ld hanqaloocso.
hanqaloocid ld hanqaloocsasho.
hanqaloocsad ld hanqaloocsasho.
hanqaloocsasho eeg hanqaloocso. ld hanqalooc¹, hanqaloocid, hanqaloocsad, hanqaloocs.
hanqaloocsi ld hanqaloocsasho.
hanqaloocso Si wax meel hoose ku jira loo eego hanqal laalaadin.
hanqaltaag (1) 1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.
hanqaltaag (2) U h.: Wax aan helitaankoodu sahlanayn higsasho.
hanqaltaagid eeg hanqaltaag².
hanqar (1) 1. Onkod, gugac. 2. Qarax, biriq.
<< < 704 705 706 707 708 709 710 711 712 713 714 > >>