Ereyga Maanta: Sawaab
helikobtar Nooc ka mid ah diyaaradaha oo qumaati u kaca.
helli Neef irmaan canug uu dhalay si uu u godliyo ku sii dayn.
hellin eeg helli. ld hellis.
hellis ld hellin.
helloon Wax la heli karo ahaansho.
helloonaan eeg helloon. ld helloonaansho.
helloonaansho ld helloonaan.
hengel (1) Dibibiro; buurnaan. ld hingil¹.
hengel (2) ld hangal².
her 1. Riyo ama ido ku nool degaan aysan u dhalan. 2. Nooc idaha ama riyaha ka mid ah oo baryari u dhashay.
her-isle'eg-xigsineed (xis.) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
hergal (1) ld hargal¹.
hergal (2) ld hargal².
hergalid ld hargalid.
hergalmo ld hargal¹.
hergeb ld hargab¹.
hergebsan ld har-gabsan.
hergebsanaan ld hargabsanaan.
hergebsanaansho ld hargabsanaan.
hergeli ld hargali.
hergelin ld hargelin.
hergelis ld hargelin.
herin (1) Qof soo dhammaystay tababbarka xeeladaha ugaarsiga oo heri-noobay.
herin (2) Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
herso ld harso.
hertamid ld hardamid.
hertan (1) ld hardamid.
hertan (2) ld hardan².
herti (1) ld hardi¹.
herti (2) ld hardi².
<< < 727 728 729 730 731 732 733 734 735 736 737 > >>