Ereyga Maanta: laabsami
hul (1) God yar oo ciriiri ah.
hul (2) Meel qodid ama daloolin.
hulaan Hul dheer oon salkiisu muuqan, bahalladuna galaan.
hulaaq (1) Gaaridda dab qoryo ama dhuxul la shiday wada gaaro. ld hulaaqid.
hulaaq (2) Dab shidmid.
hulaaqid eeg hulaaq². ld hulaaq¹.
hulan God si hul ah loo qoday ahaansho.
hulbi 1. Ari cayrin. 2. Wax dedejin.
hulbin eeg hulbi.
hule Cudur qanjirrada gala oo baabi'iya.
huleel (1) ld huleelid.
huleel (2) Ka h.: Wax la rabay oo laga quustay iyada oo la cagajiidayo ka tegid.
huleeli Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.
huleelid eeg huleel². ld huleel¹.
huleelin eeg huleeli. ld huleelis.
huleelis ld huleelin.
hulgan Wax aan wax u dhammeystirnayn ahaansho.
hulganaan eeg hulgan. ld hulganaan-sho.
hulganaansho ld hulganaan.
hulge H. ah: qof wax matare ah.
hulid eeg hul².
hulkamid eeg hulkan². ld hulkan¹.
hulkan (1) ld hulkamid.
hulkan (2) Dab olol bixin.
hulkujir Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal. ld dhuumato, hulkujire.
hulkujire ld hulkujir.
hullaab 1. Qaabka marada qaarka sare looga huwado. 2. Marada qaarka sare laga qaato inteeda madaxa lagu dedo. 3. ld hullaabid.
hullaabad ld hullaabasho.
hullaabasho eeg hullaabo. ld hillaabad, hillaabasho, hullaabad.
hullaabid eeg hullow. ld hillaab, hillaabid, hillaab¹ (3).
<< < 757 758 759 760 761 762 763 764 765 766 767 > >>