hurdin eeg hurdin.
hurdisii ld hurdeysii.
hurdisiin ld hurdeysiin.
hurdo Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
hurdo diid Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.
hurdoo Cid hurdo dareemid.
hurdood eeg hurdoo.
hurdoqar Hurdo weyn oo aan qofka la kicin karayn.
hurdoyari (daaw.) Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.
hurguf (1) Jafidda habaas, biyo iwm wax laga jafo. ld hurgufid.
hurguf (2) Habaas, biyo iwm wax ka daadin.
hurgufan Wax la jafay ahaansho.
hurgufasho eeg hurgufo.
hurgufid eeg hurguf². ld hurguf¹.
hurgufnaan eeg hurgufan. ld hurgufnaansho.
hurgufnaansho ld hurgufnaan.
hurgufo Maro, derin iwm habaas, biyo iwm ka jafasho.
hurgumasho eeg hurgumo.
hurgumeysan Wax hurgumo ku jirto ahaansho. ld hurgunsan.
hurgumeysnaan eeg hurgumeysan. ld hurgumeysnaansho, hurgunsanaan, hurgunsanaansho.
hurgumeysnaansho ld hurgumeys-naan.
hurgumi Meel hore oo bugtay caallir ku ridid.
hurgumid eeg hurgun².
hurgumin eeg hurgumi.
hurgumo (1) ld hurgun¹.
hurgumo (2) Aroor hore socod gelid.
hurgun (1) Caalirka iyo fasaska ku dhaca meel hore u jirranayd. ld hurgumo¹.
hurgun (2) (daaw.) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo.
hurgun (3) Meel hore u bugtay hoos ka caalirid.
hurgunsan ld hurgumeysan.
<< < 762 763 764 765 766 767 768 769 770 771 772 > >>