Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
mergis ld merjin.
mergo (1) ld margo¹.
mergo (2) ld margo².
meriid ld mariid.
merji Nafley cuneheeda xoog uga qabasho si neefta ugu ceshanto. ld margi, marji, mergi², mirgi, mirji.
merjin eeg merji. ld margin, margis, marjin, marjis, mergin, mergis.
merjis ld merjin.
meryaad (1) ld maryaadid.
meryaad (2) ld maryaad².
meryaadi ld maryaadi.
meryaadid ld maryaadid.
meryaadin ld maryaadin.
meryaadis ld maryaadin.
mesder ld masdar.
meseggo Nooc badarka ka mid ah, midabbo badan leh, galleyda ka yaryar geedkeedu dusha sare sabuul kuusan oo soo godan ku leh, aadna nafaqo u leh. ld masaggo.
mesel (1) ld masal¹.
mesel (2) ld masal².
meselid ld masalid.
metafisikis (fals.) Qeyb ka mid ah barashada falsafadda ee la xiriirta aragtiya wixii jira, iyo sidii aan ku aqoon lahayn in uu jiro.
metasoowa (baay.) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
metel (1) ld masal¹.
metel (2) ld masal².
metelid ld masalid.
meyd 1. Qof naftii ka dhacday oo aan weli la xabaalin. 2. M. ah: qof karti yar oo aan wax qabsan karin.
meygaag (meygaag, m.dh) 1. Geed-abaareed weyn oo laf adag oo dhuxul aad u madow oo wanaagsan leh. 2. Geed-abaareed weyn oo aan qodax lahayn oo qoryihiisa weelasha lagu cusho.
meyoosis (baay.) Nooc ka mid ah qaybsanka unugga, kaas oo soo saara afar unug taran, mid kastaana uu wato tirada koromosoomyada unugga waalidka.
meytakaal (1) Xus loo sameeyo dad dhintay.
meytakaal (2) Dad dhintay xusid.
meytakaalasho eeg meytakaalo.
meytakaalid eeg meytakaal².
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>