isle'eg-xigsiineed (xis.) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
isle'eg-xigsineed ee heerka-labaad (xis.) Isle'eg xigsineed oo ku jira diirane heerka labaad ah dy2/dx2. Ama jiro diirane ka sarreeya heerkan.
isle'egta xaaladda maatarka (fiis.) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.
isle'egta-socodka (xis.) Mid ka mid ah afarta isle'egood loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a), isle'egyaadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiishinaayo amminta ay qaadatay (t).
isle'egyo-seegmaweydo (xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
isle'ekaan eeg isle'eg². ld isle'ekaansho.
isle'ekaansho ld isle'ekaan.
islis (1) Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.
islis (2) (fiis.) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.
islis (3) Is xoqid.
islisid eeg islis³.
isloogan Halkudhegyo qeexaya ujeeddo.
ismaahi Qof wax maahsan iska dhigid.
ismaahin eeg ismaahi. ld ismaahis.
ismaahis ld ismaahin.
ismaalaakadeed (1) Isku muujinta la isku muujiyo wax aan la ahayn iyadoo xaqiiqadii la qarinaayo.
ismaalaakadeed (2) Hadba si isu muujin iyadoo runtii la qarinaayo.
ismaalaakadeedid eeg ismaakaa-kadeed².
ismaandhaaf (1) Isfahmiwaayid laba qof ama ka badan ka dhex dhacda.
ismaandhaaf (2) Laba qof ama ka badan isfahmiwaayid.
ismaandhaafid eeg ismaandhaaf².
ismaldhikhi Xarrago iyo jiljileec aan la lahayn iska raadin.
ismaldhikhin eeg ismaldhikhi. ld ismaldhikhis.
ismaldhikhis ld ismaldhikhin.
ismaldhikhiye Qof xarrago, jiljileec uusan lahayn iska doondoona.
ismale'eg (xis.) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa “x waa ay ka weyntahay y”, iyo x < y waxa loo akhriyaa “x waa ay ka yartahay y”. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
ismanshashuur (1) ld ismashashuur1.
ismanshashuur (2) ld ismaashashuur².
ismanshashuurid ld ismashashuurid.
ismaquudiye (baay.) Nooc nafaqada ka mid ah taas oo ah tamar laga soo dhiraandhiriyey qaadashada iyo dheefshiidka walxo organigga ah; caadi ahaan nudo xayawaan ama geed. Maxsuulka burburay ee dheefshiidka ayaa loo isticmaalaa samaynta walxaha orgaanigga ah ee uu u baahanyahay nooluhu. Xayawaanka oo dhami waxay cuntadooda ku helaan tabtan.
<< < 801 802 803 804 805 806 807 808 809 810 811 > >>