Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
jaalabutee Jaalabuto samayn.
jaalabuteyn eeg jaalabutee.
jaalabuto 1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaalle 1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.
jaallenimo Jaalle ahaansho.
jaalnimo Jaal ahaansho.
jaamac 1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
jaamacad Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
jaamayn eeg jaamee.
jaamee 1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.
jaamici Qof ay u dhammaatay waxbarasho jaamacadeed.
jaamojoog (c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
jaamuus 1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.
jaan Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
jaan (1) 1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
jaan (2) 1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.
jaandheer Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
jaangeri Kabaha laga sameeyo maqaarka geriga.
jaango'an Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
jaango'naan ld jaango'naansho.
jaango'naansho eeg jaangoo. ld jaango'naan.
jaangoo 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
jaangooyo 1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.
jaangoyn eeg jaangoo. ld jaangooyo (2).
jaanguur Wax dabar go'id.
jaanguuri Wax dabar goyn.
jaanguurid eeg jaanguur.
jaanguurin eeg jaanguuri. ld jaanguuris.
jaanguuris ld jaanguurin.
jaanqaad (1) 1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid.
<< < 810 811 812 813 814 815 816 817 818 819 820 > >>