Ereyga Maanta: sibirayn
jacbursanaan ld jacburnaan.
jacbursanaansho ld jacburnaan.
jacbursasho ld jacburasho.
jacbursi ld jacburasho.
jacburso ld jacburo.
jacjac (1) Dildillaac yaryar oo maqaarka kore ee dadku yeesho qabow iwm awgood.
jacjac (2) Dildilaac yaryar yeelasho qabow iwm awgood (maqaar dad).
jacjacid eeg jacjac².
jacjacle 1. (bot.) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daaw.) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
jacjaclee Shanqar yar oo isku xigta samayn.
jacjacleyn eeg jacjaclee. ld jac-jacleys.
jacjacleys ld jacjacleyn.
jacjuun Qof aan bulshay ahayn oo aan furfurnayn.
jacsan Ku j.: wax la samaynayo ku raali ahaansho. Tus. “Cali xilkaas in uu qabto kuma jacsana.”
jacsanaan eeg jacsan. ld jacsa-naansho.
jacsanaansho ld jacsanaan.
jactad (1) 1. Muuqaalka uu yeesho dhar iwm oo aan si fiicanu kala fidsanayn; canbus, canyayuub. 2. Garaawshiinyo ama oggolaansho la'aan; muran foolxun.
jactad (2) 1. Dhar iwm si xun u laallaabmid. 2. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid.
jactadan Wax jactaday ahaansho.
jactadi Dhar iwm jactad ka dhigid.
jactadid eeg jactad².
jactadin eeg jactadi.
jactadnaan eeg jactadan. ld jactad-naansho.
jactadnaansho ld jactadnaan.
jadbaysan ld jid-baysan.
jadbaysnaan ld jidbaysnaan.
jadbaysnaansho ld jidbaysnaan.
jadbo ld jidbo.
jadboo ld jidboo.
jadeeco (1) Cudur lays qaadsiiyo oo badanaa carruurta ku dhaca; wuxuu leeyahay qandho kulul iyo qumankoo barara oogadana waxaa ka soo yaaca nabarro iyo finan badan.
<< < 814 815 816 817 818 819 820 821 822 823 824 > >>