Ereyga Maanta: jeegayn
midig 1. Qof wejigiisu waqooyi u jeedo dhiniciisa bari xiga. 2. Labada gamcood ee qof, midda aan bidixda ahayn ee badanaa la adeegsado.
midigee 1. Geel la lisayo hadba mar caanaheeda cantuugid. 2. Wax dhanka midig ugu xigid.
midigeyn eeg midigee.
midigsaar (1) 1. M. ah: xiriir saaxiibtinimo oo dhexmara laba qof ama ka badan, gacansaar. 2. ld midigsaarid.
midigsaar (2) Salaamid, u gacanqaadid (qof).
midigsaarid ld midigsaar¹ (2).
midiid (1) Catireynta weel la culayo aad loo catiriyo. ld madiid¹.
midiid (2) Weel la culayo aad u catirid. ld madiid².
midiidid eeg midiid². ld madiidid.
midiidimi M./u m.: cid midiidin ka dhigid. ld madiidimi.
midiidimid eeg midiidin². ld madiidimid, madiidimis².
midiidimin eeg midiidimi. ld madiidimin, madiidimis¹, midiidimis¹.
midiidimis (1) ld midiidimin.
midiidimis (2) ld midiidimid.
midiidin (1) Qof la nool cid uu u shaqeeyo oo aan wax abaalmarin ah lahayn; aadeege; khaaddin. ld madiidin¹.
midiidin (2) 1. Hawl si aad ah u barasho. Tus. “Cali hawshii buu midiidimay.” 2. Weel la culay aad u catireyn. ld madiidin².
midiidinnimo Qof midiidin ahaansho. ld madiidinnimo.
midiidinsad ld midiidinsasho.
midiidinsasho eeg midiidinso. ld madiidinsad, madiidinsasho, madiidinsi.
midiidinsi ld mididinsasho.
midiidinso Cid midiidin ka dhigasho. ld madiidinso.
midnimo Mid ahaansho (dad).
midoobid eeg midow². ld midow¹ (2).
midow (1) 1. Mid noqosho (dad). 2. ld midoobid.
midow (2) Wax kala firirsanaan mid noqosho.
midxin (baay.) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.
miftaax ld muftaax.
mihi Ku m.: cid wax aan la siinayn ku hunguri gelin. ld mehi, mohi, muhi.
mihiib (1) 1. M. ah: hanti la leeyahay, mulki. 2. ld mihiibid.
mihiib (2) (Qof) wax hantiyid. ld mahiib.
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 > >>