Ereyga Maanta: uugaamin
jinjingaree Turub la qaybinayo isla ekeysiin.
jinjingaro Isla ekeysiinta turub la qaybinayo la isla ekeysiiyo.
jinni 1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) ld jin 1 (1).
jinnoole Qof waalan ama caro badan.
jinqay Jiis caane-nuug kobcay ah.
jinsi (1) 1. Asal nafley ka soo jeeddo. 2. Cayn; nooc; jaad.
jinsi (2) (nax.) Dabeecadaha kala duwan ee leh shakhsiyaad ama noolayaal isku dir ah (lab iyo dheddig).
jinsiyad Dhalasho qaran ee cidi leedahay.
jinsiyadlaawe Qof aan dhalasho qaran lahayn.
jiq Meel geedo badan oo aan la dhex mari karin; hawd.
jiqil ld jaqal.
jiqinjiqis Meel dhir badan oo aan la mari karin; jiq.
jiqjiq J. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah.
jir (1) 1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.
jir (2) 1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.
jiraa Wan gaboobay oo aan xoog iyo baruur midna u harin.
jiraab 1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
jiraal ld jirid.
jirac ld jinac.
jirbe Nooc cawska ka mid ah oo lo'du aad ugu naaxdo.
jirdabixi Geed si uusan dib ugu soo fufin xididkiisa siibid.
jirdabixin eeg jirdabixi. ld jirdabixis.
jirdabixis ld jirdabixin.
jirdeys Xarig dawlis ah oo aad loo tidcay.
jirdil (taar.) Xad ciqaab oo lagula dhaqmo koox, ama qof kale si xaq daro iyo xad gudub, sababo siyaasadeed ama mid diineed.
jirdobixin ld jirdabixin.
jire Ilaah; Eebbe.
jiri 1. Nafley roob ka okorin. 2. Jeri.
jiribaa Cayayaan yaryar, duula, cadaad-ka fuula oo xilliga kaliisha qayliya.
jirid eeg jir². ld jirrid.
<< < 849 850 851 852 853 854 855 856 857 858 859 > >>