jirriqsad ld jirriqsasho.
jirriqsasho eeg jirriqso. ld jirriqsad, jirriqsi.
jirriqsi ld jirriqsasho.
jirriqso Ilko isku xoqid.
jirro (1) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro (2) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
jirro-dhimireed (daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
jirroole Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
jirrow Biyo culus dhano ah oo geela u fiican.
jirsad ld jirsasho.
jirsan Wax roob laga asheeriyey ahaansho.
jirsanaan eeg jirsan. ld jirsanaansho.
jirsanaansho ld jirsanaan.
jirsasho eeg jirso. ld jirsad, jirsi.
jirsi ld jirsasho.
jirsii Nafley roob meel dhisan ka gelin; okorin; asheerin.
jirsiin eeg jirsii. ld jirsiis.
jirsiis ld jirsiin.
jirso 1. (f.g) Roob meel dhisan ka gelid. 2. (f.mg) U j.: meel ama wax in qiyaas ah ka durugsanaan.
jirtoo eeg jir 2 (6).
jirxumaan eeg jirxun. ld jirxu-maansho.
jirxumaansho ld jirxumaan.
jirxumayn eeg jirxumee. ld jirxu-mays.
jirxumays ld jirxumayn.
jirxumee U j.: Weji aan furfurnayn iyo caro cid u muujin.
jirxumo 1. Caato iyo nafaqadarro nafley jirkeeda ka muuqata. 2. Adkaysi la'aan uu jir u leeyahay difaaca cudurrada maqaarka.
jirxun 1. Wax caato iyo nafaqdarro hayso ahaansho. 2. Wax camal xun ahaansho (qof). 3. Wejitub iyo caro layska muujiyo, si cid lagu fogeeyo.
jisaar ld jasaar.
jisaarnimo ld jasaarnimo.
jisad ld jiso.
<< < 852 853 854 855 856 857 858 859 860 861 862 > >>