Ereyga Maanta: xameyti
babcan Wax gudub ama babbac loo dhigay ahaansho.
babcanaan eeg babcan. ld babcanaansho.
babcanaansho ld babcanaan.
babcid eeg babac². ld babac¹ (3).
bac 1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.
bacaac 1. Qalaad. 2. B. ah: qof nacas ah.
bacaad Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo aan lagu socon karin.
bacaad-qaab-bileed (juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
bacaadcelin Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.
bacad 1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.
bacadle 1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.
bacaraar 1. Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban. 2. Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
bacaroor Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.
bacaw (1) Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.
bacaw (2) Nooc quraanyada ka mid ah, midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u qurmoon oo yacayda cunta.
bacayr Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.
bacdad Fara badan.
bacdamaa Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. ld maadaama.
bacdi Ka bacdi: kaddib; dabadeed.
bacle Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
bacleel Si gudub ah wax u eegid.
bacleelid eeg baacleel.
bacood Meel taag ah oo aan geedo lahayn.
bacramid eeg bacran¹.
bacran (1) Wax dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf, derbi iwm).
bacran (2) Wax dildilaac yeeshay ahaansho (muraayad, laf, derbi iwm).
bacranaan eeg bacran². ld bacranaansho.
bacranaansho ld bacranaan.
bacrimane saygot (baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.
bacrimayn eeg bacrimee. ld bacrimays, bacrimin, bacrimis.
<< < 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>