Ereyga Maanta: liifmid
hur 1. (f.g) U h.: cid wax u hibayn. 2. (f.mg) Dab bixid.
huraanhuriye Nooc ka mid ah mariidka oo neefka ku rida neeftuur badan, sidii isagoo orod aad u dheer soo galay neefta ku xiranta dabadeedna wuu dhintaa.
huran Wax lagu khasbanyahay ahaansho. ld hurran.
hurdamid eeg hurdan².
hurdan (1) Ciyaar gaar ah oo haraati ama laad dadban la isladhaco.
hurdan (2) Hurdan ciyaarid.
hurdansii Laba wiil hurdan ciyaarsiin.
hurdansiin eeg hurdansii.
hurdeysan Cid hurdo hayso ahaansho.
hurdeysii Cid seexin. ld hurdisii.
hurdeysiin eeg hurdeysii. ld hurdisiin.
hurdeysnaan eeg hurdeysan. ld hurdeysnaansho.
hurdeysnaansho ld hurdeysnaan.
hurdi (1) Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
hurdi (2) Seexin.
hurdid eeg hurud.
hurdin eeg hurdin.
hurdisii ld hurdeysii.
hurdisiin ld hurdeysiin.
hurdo Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
hurdo diid Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.
hurdoo Cid hurdo dareemid.
hurdood eeg hurdoo.
hurdoqar Hurdo weyn oo aan qofka la kicin karayn.
hurdoyari (daaw.) Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.
hurguf (1) Jafidda habaas, biyo iwm wax laga jafo. ld hurgufid.
hurguf (2) Habaas, biyo iwm wax ka daadin.
hurgufan Wax la jafay ahaansho.
hurgufasho eeg hurgufo.
hurgufid eeg hurguf². ld hurguf¹.
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 > >>