Ereyga Maanta: shirbin
kashkaasho Aqal kashkaash ku goglasho.
kasid eeg kas².
kaskaasbax (1) Xaalad liidatey oo horey loogu jirey oo laga soo fiicnaado.
kaskaasbax (2) Xaalad hore oo liidatey oo lagu jirey ka soo fiicnaansho.
kaskaasbixid eeg kaskaasbax².
kaslaan Qof aan hawsha jecleyn; caajis.
kasmo Awood maskaxeed wax lagu kala garto.
kasoobbax (1) Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh.
kasoobbax (2) (daaw.) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba.
kasoobbax-naas (daaw.) Halaamacoodka naaska oo sida badan uu keeno baktiiriya ka soo gala ibta.
kasoofeen Caano dhay ah oo aan weli isbeddelin. kasta s. Mid walba oo ka mid ah wax wada jira oo aan la kala reebeyn; mid k.: mid walba.
kastan Xafiis lagu canshuuro badeecadaha dibadda loo dhoofiyo iyo kuwa laga keensanayaba.
kasxumaan eeg kasxun. ld kas-xumaansho, xaskumi.
kasxumaansho ld kasxumaan.
kasxumi ld kasxumaan.
kasxumo 1. Garaad yarida qof leeyahay. 2. Fudfudeyd iyo degganaan la'aan qof leeyahay.
kasxun Wax garaad yar ahaansho.
kataan Shax laba jare leh; irmaan.
kati Bir af dhuuban oo waranka gadaal laga gesho. ld taki.
katib ld kaddib³.
katiifad ld kaddiifad.
katiinad Silsilad.
katoolig (dii.) Madaahibta diinta masiixiga mid ka mid ah.
kaw Erey ulajeeddadiisa laga garto wax go'ay (xarig go'ay; naf baxday); kaf.
kawaamid eeg kawaan². ld ka-waanid.
kawaan (1) 1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.
kawaan (2) Neef si hilibkiisa loo cuno qalid.
kawaanasho eeg kawaano.
kawaanid ld kawaamid.
kawaanle Qof mehe-raddiisu tahay inuu hilibka ka ganacsado.
<< < 891 892 893 894 895 896 897 898 899 900 901 > >>