huumammow ld hiimammow.
huumammowsad ld hiimammowsasho.
huumammowsasho ld hiimammowsasho.
huumammowsi ld hiimammowsasho.
huumammowso ld hiimammowso.
huunfey Haad hilib cun ah oo wax dafa.
huunyo Deris ku nool yaryar oo digaagga gasha.
huuq Nagaar aan caleen lahayn laamihiisu qodax leeyihiin, wada buruq ah, oo arigu aad u jecelyahay.
huur (1) Kulayl hawo la'aani keentay.
huur (2) (fiis.) Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada.
huur (3) Nafley kulayl dareemid.
huur-beeg (fiis.) Qalab loo sameeyay in lagu cabbiro huur u eegidda (huurka la isu eegayo hawada inta ku jirta uumi biyood iyo inta ay qaadi karto) gibilka.
huur-tuse (fiis.) Qalab tusinaya isbeddellada huurka hawada, habka tusinta wuxuu u adeegsadaa isbeddellada ku dhaca muuqaalka iyo addimada walax.
huur-u-eegid (fiis.) Saamiga u dhexeeya xaddiga dhabta ah ee uumibiyooodka ku jira mug lagu siiyay ee hawada ah iyo xaddiga ku jiri lahaa iyadoo heerkulku isku midyahay, badanaa waxaa lagu tibaaxaa boqolley.
huuri (1) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri (2) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid.
huurid eeg huur².
huurin eeg huuri³.
huuro Wasaq ilkuhu yeeshaan.
huursad ld huursasho.
huursan 1. Wax meel kulul la geliyey ahaansho. 2. Wax xabbis la geliyey ahaansho (qof).
huursanaan eeg huursan. ld huursanaansho.
huursasho eeg huurso. ld huursad, huursi.
huursi ld huursasho.
huurso Wax meel huur ah gashasho.
huutaan H. ah: nafley aad caato u ah.
huwad ld huwasho.
huwan (1) Dad dano gaar ah heshiis ku ah.
huwan (2) Cid wax ku daboolan ahaansho. ld hugan² (2).
huwanaan eeg huwan². ld huwa-naansho.
<< < 87 88 89 90 91 92 93 > >>