Ereyga Maanta: tefiir
liso 1. Mindi iwm lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
listan Xiddigaha raqaha oo dayaxu maro tooda labaad oo u dhexeysa godinta iyo lixaha.
litir ld liitir.
lix Tirada shanta iyo toddobada u dhexeysa; “6”.
lixaad (1) Tirada jagaale, keeda u dhigma lixda. ld laxaad.
lixaad (2) 1. Xoog, itaal. 2. Baaxad. 3. Lixda l.: indhaha, lugaha iyo gacmaha.
lixaadla' Qof curyaan ah ahaansho.
lixaadla'aan eeg lixaadla'ld lixaadla'aansho.
lixaadla'aansho ld lixaadla'aan.
lixaadsad ld lixaadsasho.
lixaadsasho eeg lixaadso. ld laxaadsasho, laxaadsi, lixaadsad, lixaadsi.
lixaadsi ld lixaadsasho.
lixaadso Xoog yeelasho. ld laxaadso.
lixadhaco ld lixadhaqo.
lixadhaqo Xilliga guga qaybtiisa dambe; cawliku-dhashay. ld lixadhaco.
lixdamaad ld lixdanaad.
lixdameeye Tiro qiyaas ahaan u dhow lixdan. ld lixdameeyo, lixdaneeye, lixdaneeyo.
lixdameeyo ld lixdameeye.
lixdan Tiro ka kooban lix meelood oo min toban ah; lix tobnaad; “60”.
lixdanaad (1) Sanadaha u dhexeeya lixdanka ilaa lixdan iyo sagaalka.
lixdanaad (2) Tirada jagaale, kan lixdanka u dhigma. ld lixdamaad.
lixdaneeye ld lixdameeye.
lixdaneeyo ld lixdameeyo.
lixee Tiro lix ka dhigid.
lixeyn eeg lixee. ld lixeys.
lixeys ld lixeyn.
lixeysad ld lixeysasho.
lixeysasho eeg lixeyso. ld lixeysad, lixeysi.
lixeysi ld lixeysasho.
lixeyso Tiro lix ka dhigasho.
<< < 968 969 970 971 972 973 974 975 976 977 978 > >>