ilaaqeen 1. Dalool aad u yar. 2. Dulka cirbadda.
ilaaqid ld cilaaqid.
ilaaqtamid ld cilaaqtamid.
ilaaqtan (1) ld cilaaqtamid.
ilaaqtan (2) ld cilaaq-tan².
ilaxir ld ilxir.
ilayn eeg ilee.
ilays Iftiin.
ilaysraac (1) 1. Fal gaar ah oo ay dhirta qaarkeed samayso marka ilays ku dhaco. 2. I. ah: waxyaabaha ilaysku soo jiito.
ilaysraac (2) Ilays aadid (wax).
ilaysraacid eeg ilaysraac².
ilbaadsad ld ilbaadsasho.
ilbaadsasho eeg ilbaadso. ld ilbaadsad, ilbaadsi.
ilbaadsi ld ilbaadsasho.
ilbaadso Qof ama wax kale dusha ka ilaalsasho si isagoo dagan loo helo.
ilbalacle ld ilgalacle.
ilbalaclee ld ilgalaclee.
ilbalacleyn ld ilgalacleyn.
ilbalacleys ld ilgalacleyn.
ilbax (1) I. ah: qof aqoon iyo waayo-aragnimo u leh nolosha magaalada.
ilbax (2) Nolol magaalo aqoon iyo waayo-aragnimo u yeelasho.
ilbaxnimo 1. Ilbax ahaansho. 2. Heer, horumar xagga dhaqaalaha, dhaqanka iwm laga gaaro.
ilbaxsan 1. Reermagaal ahaansho. 2. Qof nolol magaalo aqoonsan, ahaansho.
ilbaxsanaan eeg ilbaxsan. ld ilbaxsanaansho.
ilbaxsanaansho ld ilbaxsanaan.
ilbidhiqsi ld ilbriqsi.
ilbiriqsi (1) Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. ld ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.
ilbiriqsi (2) 1. (fiis.) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqr.) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.
ilbixi 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iwm il ka saarid.
ilbixid eeg ilbax².
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>