Ereyga Maanta: turaal
banqay ld banqi.
banqi Ceel biyo badan. ld banqay.
bansiin ld baansiin.
bantar (1) 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar (2) 1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid.
bantarid eeg bantar².
baq (1) 1. Caano xumaaday oo aan la dhammi karin. 2. ld biqid.
baq (2) 1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
baqaal Doonyaha safarrada dhaadheer gala tan ugu weyn oo qaadi karta kun jawaan iyo ka badan. ld baqaalad, baqlad.
baqaalad ld baqaal.
baqabbeenlayn baqabbeenlee. ld baqabeen, baqabeenle, baqabbeeno.
baqabbeenle Baqe xeeldagaal ah oo cadow lagu dago. ld baqabbeenlayn.
baqabbeenlee Baqabbeenle sameyn.
baqabbeeno ld baqabbeenlayn.
baqacarar (1) Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. ld baqacararid.
baqacarar (2) Cararid baqdin awgeed.
baqacararid eeg baqacarar². ld baqacarar¹.
baqal (1) 1. Gammaan lab oo ay dameer iyo geenyo iska dhaleen. 2. ld bagal.
baqal (2) Gammaan dheddig oo ay geenyo iyo dameer iska dhaleen.
baqalye Jaad ka mid ah haadda hilibcunka ah oo galleyrka u eg, lehna midab ciira ah lugahana u cas. ld baqalyo, baqaye.
baqalyo ld baqalye.
baqas Barwaaqo badan; baraare.
baqasho eeg baqo². ld baqe, baqo¹.
baqay Dibi dhufaan ah oo shilis.
baqaye ld baqalye.
baqaynimo Baqay ahaansho.
baqbaq 1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iwm.
baqbeeno Subag iyo caano isku jira oo aan weli la kala miirin.
baqdhoos Qof aan karti lahayn.
baqdin Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.
<< < 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 > >>