Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
barbarradhicid ld barbardhicid.
barbarrayn eeg barbarree.
barbarree 1. Dood, run ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid tartan kula sinmid.
barbarro Barbarkadhac; barbardhac; kalagurad; garbadhac.
barbartamid eeg barbartan².
barbartan (1) ld barbardhac¹.
barbartan (2) Isku barbar dhicid; kalaggurasho; kala badin waayid.
barbax (1) 1. Xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin. 2. Wax looga baxo dhibaatada xilli kulul sida baad, raashin, biyo. 3. ld barbixid.
barbax (2) 1. Ku b.: xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin meel ku sugnaan. 2. Ka b.: dhibaato xilli kulul ka samatabixid (nafley).
barbixi Nafley, dhibaato xilli kulul ka samatabixin.
barbixid eeg barbax². ld barbax¹ (3).
barbixin eeg barbixi. ld barbixis.
barbixis ld barbixin.
bardad (1) Cabsi iyo naxdin weyn oo qofka ka lumisa is hanashada. ld barkad¹, barkag¹, berded¹, berkeg¹ (2).
bardad (2) Cabsi kediso ah la wareerid; argaggexid. ld barkad², barkag², berded², berkeg².
bardadid eeg bardad². ld barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
bardadsan Qof, wax bardaday ahaansho. ld barkadsan, barkagsan, berdedsan, berkegsan.
bardadsanaan eeg bardadsan. ld bardadsanaansho, barkadsanaan, barkadsanaansho.
bardadsanaansho ld bardadsanaan.
bardaq Qof buuran oo jir jilicsan leh.
bardaqsan Bardaq ahaansho (qof).
bardaqsanaan eeg bardaqsan. ld bardaqsanaansho.
bardaqsanaansho ld bardaqsanaan.
barde ld berde.
bardiil Hanti la siiyo qof awood maamul leh si weji looga helo.
bardooddamid eeg bardooddan². ld bardooddan¹, bardootamid, bardootan¹.
bardooddan (1) 1. bardootan 1. Ciyaar farakacayaar, legdiniyo is ceyrsi leh oo waqtiga la isaga lumiyo. 2. ld bardooddamid.
bardooddan (2) Ciyaar farakacayaar legdin iyo is ceyrsi leh ku maararroobid. ld bardootan².
bardootamid ld bardooddamid.
bardootan (1) ld bardoodan¹.
<< < 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 > >>