dhaxamood eeg dhaxamoo.
dhaxan 1. Qabow hawadu keento oo jirku dhibsado. 2. Duumo.
dhaxantir (1) 1. ld dhaxantire. Dhar aan tayo fiicnayn oo loo gashado dhaxan awgeed. 2. ld dhaxantirid.
dhaxantir (2) Wax dhaxanta la isaga baabi'iyo.
dhaxantire ld dhaxantir¹ (1).
dhaxantirid eeg dhaxantir². ld dhaxantir¹ (2).
dhaxlan Wax la dhaxlay ahaansho.
dhaxlanaan eeg dhaxlan. ld dhaxlanaansho.
dhaxlanaansho ld dhaxlanaan.
dhaxlasho eeg dhaxlo.
dhaxle 1. Qof dhaxal helay. 2. Qof dhaxalka qaybiya.
dhaxlid eeg dhaxal².
dhaxlidda astaamaha Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda.
dhaxlo Xoolo dhaxal ah, qaybsasho.
dhaxsad ld dhaxsasho.
dhaxsasho eeg dhaxso. ld dhaxsad.
dhaxso Gabadh la bixid.
dhay (1) 1. Lega xoolaha oo la kala baray barkii. 2. Dh. ah: meel bannaan oo aan geedo lahayn. 3. Dh. ah: meel biyo qabatin leh oo beerashada ku wanaagsan. 4. ld dhayid.
dhay (2) 1. Dh. ah: caano markaa la lisay oo aan weli suusacin. 2. Dh. ah: badar saafi ah oo sabuulkii laga sukulay. ld dhaay.
dhay (3) Geed nagaar yar, laammo aan lahayn oo caleemo balballaaran oo xooluhu cunaan leh.
dhay (4) 1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iwm daawo marin.
dhayal (1) 1. Cayaar; kaftan. 2. ld dhayalid. ld dheyal¹.
dhayal (2) Cayaarid, kaftamid. ld dheyel².
dhayali ld dheeli.
dhayalid eeg dhayal². ld dhayalis².
dhayalin ld dheelin.
dhayalis (1) ld dheelin.
dhayalis (2) ld dhayalid.
dhayalsad ld dhayalsasho.
dhayalsasho eeg dhayalso. ld dhayalsad, dhayalsi, dheyelsasho.
<< < 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 122 > >>