Ereyga Maanta: qooshid
dhayo Meel bugta daawo marsasho.
dhayogsi-rayboniyuuglig (baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.
dhays D. ah: neef soo sid dhoweeyey oo candhadiisa iyo sabiishiisa ka muuqato buurnaan.
dhaysi Neef dhays yeelasho.
dhaysin eeg dhaysi.
dhayuurad ld dhayuure.
dhayuure Kulaylka qorraxda ee waqtiga duhurka. ld dhayuurad.
dhebed Haan biyood bir ah; fiin; galaw.
dhebi (1) Geed leh laamo toostoosan, caleemo balballaaran laga goosto udbaha, dhigaha iwm oo ka baxa qararka dooxyada.
dhebi (2) ld dhibi.
dhebid ld dhaw².
dhebidhisad ld dhibidhisasho.
dhebidhisasho ld dhibidhisasho.
dhebidhiso ld dhibidhiso.
dhebilisad ld dhibidhisasho.
dhebilisasho ld dhibidhisasho.
dhebiliso ld dhibidhiso.
dheddig 1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. ld dhaddig, dhiddig.
dheddigee 1. (f.g) Dheddig ka dhigid. 2. (f.mg) Dheddig keliya dhalid (nafley). ld dhaddigee, dhiddigee.
dheddigeyn eeg dheddigee. ld dhaddigeyn, dhiddigeyn.
dheddignimo Dheddig ahaansho. ld dhaddignimo, dhiddignimo.
dheddigood Dumar. ld dhaddigood, dhiddigood.
dheddin Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. ld dhiddin.
dhedeysad ld dhedeysasho.
dhedeysasho eeg dhedeyso. ld dhedeysad, dhedeysi.
dhedeysi ld dhedeysasho.
dhedeyso Socod habeen haween ugu haasaawo tegid.
dhedhemi ld dhadhami.
dhedhemid ld dhadhamid.
dhedhemin ld dhadhamin.
<< < 114 115 116 117 118 119 120 121 122 123 124 > >>