Ereyga Maanta: makeekee
hadrid eeg hadar.
hadur 1. War badan oo aan murti lahayn. 2. H. ah: qof hadal badan oo aan murti lahayn ku hadla.
haduuf ld huduf.
hadwad ld hadwasho.
hadwasho eeg hadwo. ld hadwad.
hadwo Dad, Xoolo wax kala aqoon meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo noqosho.
haf 1. Wax, wax kale ku qaldid. 2. Wax halmaamid.
haf (1) Cod lagu muujiyo hafidda.
haf (2) Cunto boobid.
hafad ld hafasho.
hafar (1) Masabididda wax been ah oo aan cid la siin lagu masabido. ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.
hafar (2) Qof wax aan la siin ku masabidid.
hafaran Qof la hafray noqosho.
hafarmid eeg hafaran.
hafaryo ld hafrid.
hafasho eeg hafo. ld hafad.
hafeef 1. Dabayl kulul. 2. Kulaylka gubashada jirka laga dareemo.
hafeefasho eeg hafeefo.
hafeefo Jir gubtey xanuun ka dareemid.
hafi 1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin.
hafid eeg haf².
hafid (2) eeg haf.
hafin eeg hafi. ld hafis.
hafis ld hafin.
hafisan Hilib wax karin carunka looga saaray ahaansho.
hafisnaan eeg hafisan. ld hafisnaansho.
hafisnaansho ld hafisnaan.
hafo Nafley biyo ku qaraqmid.
hafran Qof wax aan la siinin lagu masabiday ahaansho.
hafranaan eeg hafran. ld hafranaansho.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>