Ereyga Maanta: boolicun
qoombi (1) Xubinta uu malayga ka neefsado.
qoombi (2) Nafley dhutin.
qoombin eeg qoombi².
qoomid eeg qoon³.
qoomman Wax qooni gaartay ahaansho (nafley).
qoommanaan eeg qoomman. ld qoommanaansho.
qoommanaansho ld qoommanaan.
qoon (1) Ummad, dad isku jinsi ah oo meel ku wada nool.
qoon (2) 1. Cudur, dhibaato. 2. (-oomo, m.l) Dhaawac; nabar.
qoon (3) 1. Cid dhaawac gaarsiin. 2. Cid dhibaato gayeysiin.
qoon (4) Wax dhaawac ama dhibaato gaartay noqosho (nafley).
qoondayn eeg qoondee.
qoondaysasho eeg qoondayso.
qoondaysi ld qoondaysasho.
qoondayso Wax qorsheysasho.
qoondee Wax qorsheyn.
qoone 1. Miraha geedka baarta. 2. Iniin ku dhex jirta miraha geedka baarta oo inta la farsameeyo loo xiro geela. 3. Geed la qoray oo lagu shubto tubaakada.
qoonmid eeg qoon4.
qoonqoon Geed gaab aan qodax lahayn laamo toostoosan o guryaha lagu dhisto leh.
qoonsad ld qoonsasho.
qoonsasho eeg qoonso. ld qoonsad, qoonsi, qoonsimaad.
qoonsi ld qoonsasho.
qoonsimaad Shaki iyo kahsasho laga qaado wax la nabcaystay. ld qoonsasho.
qoonso Wax dhibsasho.
qooq (1) 1. Xoolaha lab siiba awrta sida ay noqdaan xilliga ay diyaar u yihiin inay wax abaahiyaan. 2. Ciyaar; dheel. 3. Kacsi. 4. Kibir; islaweyni.
qooq (2) 1. Xoolo lab qooq ku dhicid. 2. Ciyaarid; dheelid. 3. Dad kibrid. 4. Gabar galmo u baahasho.
qooqaar (1) ld qarqoor¹, qarqoorid.
qooqaar (2) Gowriir; qanqood. ld qoo qaarid.
qooqaar (3) ld qarqoor².
qooqaar (4) Gowriirid.
<< < 1216 1217 1218 1219 1220 1221 1222 1223 1224 1225 1226 > >>