Ereyga Maanta: geedamaal
rubad 1. Cunaha nafleyda. 2. Naf; ruux.
rubbaan 1. Naakhuudaha markabka ama doonida. 2. Ninka doonyaha ama maraakiibta dekedaha ku xira.
rubbad ld rubbiyad.
rubbiyad (dhaq.) Lacag waddanka Hindiya iyo Baakistaan laga isticmaalo. ld rubbad.
rubi Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tus. “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. ld rubac, rubuc.
rubisaar (1) Faa'iidada la dul saarto lacag la is amaahiyey; dulsaar; korsaar; dheef. ld ribisaar¹.
rubisaar (2) Lacag dulsaar leh cid amaahin. ld ribisaar².
rubisaarasho eeg rubisaaro.
rubisaarid eeg rubisaar². ld ribi-saarid.
rubisaaro Lacag dulsaar saarasho.
rubuc ld rubi.
rucle Orod aan la dheeraanayn oo dadku ordo.
ruclee Si rucle ah u ordid (qof).
rucleyn eeg ruclee. ld rucleys.
rucleys ld rucleyn.
rucub Wax badan oo is-haysta isku meelna ku yaal sida miraha, ubaxa iwm.
rud Nafley hal mar ilkaha cunto ku goosasho. ld rudh.
rudan Cunno wax la ruday ahaansho. ld rudhan.
rudcid eeg ruduc². ld ruduc¹.
rudh ld rud.
rudhan ld rudan.
rudhid ld rudid.
rudhis ld rudid.
rudhmo ld rudmo.
rudhnaan ld rudnaan.
rudhnaansho ld rudnaan.
rudhsii ld rudsii.
rudhsiin ld rudsiin.
rudid eeg rud. ld rudhid, rudhis, rudis.
rudis ld rudid.
<< < 1272 1273 1274 1275 1276 1277 1278 1279 1280 1281 1282 > >>