Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
belo ld belaayo.
beloobid eeg below.
below Wax belo la kulmay noqosho.
belwo ld balwo.
bender 1. Magaalo meel xeeb ah ku taal. 2. Beled marso leh. 3. Yoolka ciyaarta imbiliga. ld bandar.
bengali Sonkor buda ah oo laga keeni jirey Bengaladeesh.
beni 1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
benii-aadan ld banii-aadan.
benii-aadannimo ld banii-aadannimo.
benii-aadmi ld banii-aadan.
benisiliin (daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.
benned Hawl ama ciyaar socotay joojin.
bennedan (1) Hawl, ciyaar iwm wax la benneday noqosho.
bennedan (2) Hawl ama ciyaar socotay oo la joojiyey ahaansho.
bennedid eeg benned.
bennednaan eeg bennedan. ld bennednaansho.
bennednaansho ld bennednaan.
bensiin (1) ld baansiin.
bensiin (2) (kiim.) Haydarokaarboon hoor ah oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef qaato. ld baansiin.
berber (1) ld barbar¹.
berber (2) ld dardar³.
berberan (1) ld dardaran¹.
berberan (2) ld dardaran².
berberid ld dardarid.
berbermid ld dardarmid.
berbernaan ld dardarnaan.
berbernaansho ld dardarnaan.
berded (1) ld bardad¹.
berded (2) ld bardad².
berdedid ld bardadid.
<< < 132 133 134 135 136 137 138 139 140 141 142 > >>