Ereyga Maanta: gawaani
tabasho eeg tabo.
tabatabbo Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.
tabaxsasho eeg tabaxso.
tabaxso Qun yar socosho.
tabayn eeg tabee. ld tabays.
tabays ld tabayn.
tabbac (1) ld tabbicid.
tabbac (2) Ku t.: cid deeq weyn siin.
tabbeello Loox weyn oo qoraallo ama sawirro macno gaar ah samaynaya lagu muujiyo.
tabbicid eeg tabbac². ld tabbac¹.
tabcaan T. ah: qof daal ama xanuun la liita. ld tacbaan.
tabcayn eeg tabcee.
tabcee Cid tabco ku qabasho.
tabcid ld tacbid.
tabco Hab laba qof oo legdamaya mid midka kale lugtiisa ku maro.
tabee Wax xeeladayn.
tabeeye (riw.) Qof hawshiisu tahay muuqdoorinta jilaha masraxa ama filimka.
tabiino Wax tar hiil iyo hooba leh. ld tamiino, tammiin, tammiino.
tabis ld dabis.
tabkac (1) ld tabkicid.
tabkac (2) Dhibaato ka gudbid.
tabkicid eeg tabkac². ld tabkac¹.
tabnaan eeg taban. ld tabnaansho.
tabnaansho ld tabnaan.
tabo 1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.
tabsan Sac ama qaalin lo'aad wax boodid u baahan ahaansho.
tabsanaan eeg tabsan. ld tabsanaansho.
tabsanaansho ld tabsanaan.
tacaal (1) ld tacaalid.
tacaal (2) La t.: qof buka caafimaadkiisa ku dadaalid.
<< < 1404 1405 1406 1407 1408 1409 1410 1411 1412 1413 1414 > >>