Ereyga Maanta: xameyti
warrame Kitaab farguri ah oo ka hadlaayo falka iyo waxyaalihii ay dadkii hore ku dhaqmi jireen; warqabe.
warramid eeg warran². ld warran¹.
warran (1) 1. Hadal; war la sheego. 2. ld warramid.
warran (2) 1. War sheegid ama ku hadlid. 2. Ka w.: cid ama arrin wax la xiriira sheegid. 3. U w.: cid xog aysan ogayn u sheegid.
warriile Gorayada teeda yar.
warriiq Jirriqaa.
warroon U w.: qof, qof kale arrin uga xogogaalsan ahaansho.
warroonaan eeg warroon. ld warroonaansho.
warroonaansho ld warroonaan.
warsasho eeg warso.
warshaaqo ld washaaqo.
warshad Dhis makiinado waaweyn yaalliin oo alaabta ceeriin lagu farsameeyo. ld wershad.
warshadayn eeg warshadee.
warshadaysan Wax la warshadeeyey ahaansho.
warshadaysnaan eeg warshadaysan. ld warshadaysnaansho.
warshadaysnaansho ld warshadays-naan.
warshadee Alaab ceeriin warshad gelin.
warsheeg (1) ld warsheegid.
warsheeg (2) War qarsoon sheegid.
warsheegid eeg warsheeg². ld warsheeg¹.
warsheeko War in la qariyo layska ogaa oo dibadda loo saro.
warside Wargeys.
warso Cid arrin xog ka haysa wax weyddiin.
wartebi War tebin.
wartebin eeg wartebi. ld wartebis.
wartebis ld wartebin.
warwacsasho eeg warwacso.
warwacso Ku w.: dhibaato dhacday cid u eersasho.
warwar (1) 1. Samayo dhuudhuuban oo dhallintu isku riddo oo gabbashada ku barato. 2. Nooc waran oo dheer.
warwar (2) ld walwal².
<< < 1493 1494 1495 1496 1497 1498 1499 1500 1501 1502 1503 > >>